Cabdiqaasim Salaad oo ka hadlay xaaladda dalka iyo farriin muhiim ah uu u diray shacabka iyo madaxda

Cabdiqaasim Salaad Xasan oo markii u horeysay ka hadlay xaaladda dalka Fariin Muhiim ah diray ka hor furitaanka shirka Muqdisho

Madaxweynihii hore ee dowladii ku meel gaarka eheyd, Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa ka hadlay, xaaladda dalka iyo is mari waaga siyaasadeed ee u dhexeeyo Madaxda dowladda iyo Madaxda Maamul goboleedyada.

Mudane Cabdiqaasim Salaad Xassan ayaa ku dhiiro galiyay Madaxda dalka iyo kuwa Maamul goboleedyada gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland inay iska kaashadaan xal u helida siyaasada dalka sidoo kalane ay diiradda saaraan wada shaqeynta iyo isu tanaasulka, si loog gaaro horumarka la hiigsanayo.

Sidokale wax uu hoosta ka xariiqay ina loo baahanyahay in laga gudbo nidaamka 4.5 si doorashada ay u noqoto mid dadweyne oo shacabka dhan codkooda ka dhiibtaan.

“4.5, awood qaybsiga beelaha waxa ay ahayd arrin muddo kooban loo baahnaa in ay ahaato oo qabiil iyo waxaas ku dhismin, haatan waxaa loo baahan yahay in loo gudbo doorasho dadweyne si shacabka ay u doortaan qofka ay doonayaan ayuu yiri C/qaasim.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan dowladdooda, islamarkaana ay ku kalsoonaan, si looga gudbo marxalada kala guurka ee haatan lagu jiro.

Hadlkiisa ayaa ku soo beegmaya xili Muqdisho kulan ku leeyihiin Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Maamul gobaleedyada Jubbaland iyo Puntland oo wali furitaankiisa lawada sugaayo.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email