Burcadda Internetka Ruushka oo mar kale beegsaday doorashada Mareykanka

Burcad dhanka internetka ah oo xiriir la leh Ruushka,Shiinaha iyo Iiraan ayaa isku dayaya inay macluumaad sirdoon ka helaan shaqsiyaad iyo kooxaha ku lugta leh doorashada madaxwaynanimada Mareykanka ee 2020, waxaa sidaasi sheegtay shirkadda Microsoft.

Burcadan dhanka internetka ee iyagu jabsaday ololihii doorashada 2016 ee xisbig Dimuqraadiga ayaa mar kale ku lug leh howlahani, sida lagu sheegay bayaanka shirkadda tiknoolajiyada ee Microsoft.

Microsoft ayaa intaa ku dartay “inay caddahay inay sii xoojiyeen dadaaladooda ay wadaan kooxaha ajnabiga ah ee bartilmaameedsanaya doorashada”.

Kooxahani geysta weerarka dhanka internetka ayaa bartilmaameedsanaya Ololaha doorashada madaxwayne Donald Trump iyo musharaxa xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden.

Burcadda internetka Ruushka ee kooxda Strontium ayaa bartilmaameedsaday 200 oo urur oo intooda badan xiriir la leh xisbiyada siyaasadda Mareykanka ee Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga , sida lagu sheegay bayaanka shirkadda Microsoft.

Isla burcaddani internetka ayaa waxay bartilmaameedsadeen xisbiyada siyaasadda ee UK, sida ay sheegtay Microsoft, iyada oo aan cayimin xisbiga sida gaarka ah loo bartilmaameedsaday.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email