
Afhayeenka Booliska gobolka Banaadir Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali oo la hadlay Kulmiye radio ayaa sheegay in abaare 8:20pm waqtiga Muqdisho ay Al shabaab ay si dhuumaalaysi ah ku tuureen ilaa 4 qarax oo ka samaysan baaruud Dheemish ah oo aan gaysan wax khasaare ah.
Sadiiq ayaa sidoo kale Waxa uu sheegay inay baaritaan ku hayaan kooxda abuurtay cabsi galinta, islamarkaana Boolisku ay qaadayaan tallaabooyin amniga lagu xoojinayo.
Afhayeenka ayaa sheegay in baaritaan ku hayaan qaraxyo Dheemis ah oo xalay laga maqlay degmooyin dhawr ah oo gobolka Banaadir ka tirsan.
Hoobiyaashan ayaa ku dhacay meelo ka mid ah degmooyinka Xamar jajab, Waaberi, Boondheere, Warta nabadda iyo Shan gaani, oo ka wada tirsan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Sawirro laga soo qaaday qaar ka mid ah goobihii ay ku dhaceen madaafiicdaas ayaa muujinaya burbur aan badneyn.