Booliska Kenya oo xabsiga dhigay duqii Gaarisa Cali Bunow Qorane iyo xubno kale

Ciidamada booliska Kenya ayaa maanta xabsiga u taxaabay guddoomiyihii magaalada Gaarisa, Cali Bunow Qorane iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka Gaarisa.

Cali Bunow Qorane ayaa loo heystaa falal la xariira musuq maasuq, iyadoo lagu eedeeyay in maamulkiisu uu lunsaday lacag badan.

Malaayiin shilinka Kenya ah oo uu bangiga Aduunka ugu deeqay in lagu hor mariyo dadka reer Gaarisa ayaa loo heystaa inay lunsadeen Cali Bunow Qorane iyo xubno ka mid ah maamulka uu hoggaamiyo ee degmada Gaarisa.

Madaxa xafiiska dacwad soo oogaha Kenya Nuura-diin Xaaji oo ah Soomaali Kenyaan ka soo jeeda gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa eedaan u soo jeediyey Cali Bunow iyo xubnaha kale ee maanta xabsiga loo taxaabay.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email