Beri oo golaha shacabka la horgeynayo heshiiskii doorashada ee u dhexeeyay dowlada dhexe iyo maamul gobaleedyada

2-da Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta ku kulmaya Muqdisho |  Somaliweyn

Beri oo golaha shacbaka la horgeynayo heshiiskii doorashada oo ay 17dii bishan gaareen dawladda federaalka Soomaaliya, dawlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo la doonayo inay ansixiyaan Baarlamaanka.

Mudanayaasha golaha shacabka iyo aqalka sare ayaa la gaarsiiyey farriin ogeysiis ah oo ah inay berri 9:00am ka soo wada qayb galaan fadhi wada jir ah oo Baarlamaanku yeelanayo, si ay uga doodaan heshiiskan siyaadsadeed, ka dibna ay cod ugu qaadaan.

Heshiiska siyaasadeed ee doorashada ayaa qeexaya hab raaca doorashada dalka ka dhacaysa, waxaana qodob ka mid ah uu sheegayey in la hor geeyo Baarlamaanka si ay ugu badalaan go’aan sharci ah oo tixraac rasmi ah u noqon kara geedi socodka doorashada.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email