Barlamaanka Soomaaliya oo maanta ka doodaya hindise sharciyeedka qaxootiga

Xildhibaanada golaha shacabka ee barlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay ka doodi doonaan sharciyo dhowr ah.

Ajandaha kulanka ayaa waxaa uu yahay akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka dhismaha haya’adda diiwaangelinta dadweynaha iyo bixinta aqoonsiga oo ay soo diyaarisay wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib u hishiisiinta dowlada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa ajandaha ka mid ah akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka qaxootiga.

Guddoonka golaha shacbka ayaa soo jeediyay in la dardargeliyo howlaha horyaala golaha maadaama ay dowlada uu yahay waqti kooban isla markaan loo baahanyahay in dhameystiro.