Barlamaanka Soomaaliya oo Beri ka doodaya hindise sharciyeedka qaxootiga

Xildhibaanada golaha shacabka ee barlamaanka dowlada federaalka Soomaaliya ayaa beri waxaa ay ka doodi doonaan hindise sharciyeedka qaxootiga.

Kulanka beri ayaa ah kulan weynaha golaha waxaana ajandayaasha ay kala yihiin.

Akhrinta kowaad ee hindise sharciyeedka dhismaha haya’adda diiwaangalinta dadweynaha iyo bixinta aqoonsig oo ay soo diyaarisay wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib u hishiisiinta dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa ajandaha ka mid ah akhrinta kowaad ee hindise sharciyeedka qaxootiga.

Guddoonka golaha shacbka ayaa soo jeediyaya in la dar dargaliyo howlaha horyaala golaha maadaama ay dowlada uu yahay waqti kooban isla markaan loo baahanyahay in dhameystiro.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email