Bangiga Adduunka oo agaasime cusub u soo magacaabay Dalal ay ka mid tahay Soomaaliya

Bangiga Adduunka oo agaasime cusub u soo magacaabay Dalal ay ka mid tahay Soomaaliya

Keith Hansen oo ah garyaqaan u dhashay dalka Mareykanka ayaa waxaa maanatay loo magacaabay inuu noqdo agaasimaha Bangiga Adduunka ee dalalka Kenya, Rwanda, Somalia iyo Uganda.

Keith oo ah aqoonyahan leh khibrad 30 sano ayaa bedalaya Carlos Felipe Jaramillo, kaas loo wareejiyey inuu noqdo ku xigeenka Bangiga Adduunka ee Latin America.

Qoraal ka soo baxay Bangiga Adduunka ayaa waxaa lagu sheegay in Keith Hansen uu gacan ka geysan doono, sidii loo gaari lahaa koboc dhaqaale iyo yareynta saboolnimada.

Agaasimaha cusub ayaa horey shaqooyin iyo xilal kala duwan uga soo qabtay Bangiga Aadduunka.

Bangiga Adduunka ayaa si weyn u taageero dowladda federaalka Soomaaliya xili lagu jiro xaalada kala guurka, isaga oo dhowaan ugu deeqay lacago badan oo wax looga qabanayo arrimaha bani’aadanimada.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email