Banaanbax looga soo horjeedo ciidamada Kenya oo ka dhacay gobolka Gedo

Banaanbax ka dhanka ah Ciidamada Kenya oo ka dhacay gobolka Gedo – RADIO  KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia

Degmada Ceel Waaq ee gobolka Gedo ayaa maanta waxaa ka dhacay banana baxyo waaweyn, kuwaas oo ay dhigayaan dad shacab ah, iyagoona looga soo horjeedo ciidamada Kenya.

Dadkan banaanbaxayo ayaa ka fal celinaayo, dad shacab ahaa oo ciidamada Kenya ay ku dileen degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Shacabka ayaa dalbanaya in ay helaan cadaalad, isla markaasina lagula xisaabtamo ciidamada Kenya falalka arxan darada ah ee ay u gaysteen shacabka Soomaaliyeed ee reer Gedo.

Dhinaca kale maamulka degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo oo hadlay arrintan, ayaa waxa ay qireen dhacdadan ka dhacday degmadaas, iyagoo sheegay in ciidamada Kenya ay dhibaatooyin fara badan ugu gaystaan shacabka kunool Gedo.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email