Baarlamaanka oo maanta meel mariyey heshiis dhex maray Soomaaliya iyo Turkiga

Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaaliya ayaa maanta cod aqalabiyad leh ku meel mariyay heshiiska waxbarashada ee dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ay kala saxiixdeen sannadkii 2016kii, kaddib markii ay ogol u codeysay 150 xildhibaan.

Heshiiskaan ayaa todobaadyo ka hor waxaa la horgeeyay xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, waxuuna siihayaha wasaaradda waxbarashada Goodax Baree oo golaha hor geeyey uu ku tilmaamay mid muhiim u yahay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda waxbarashada dalka.

Xildhibaanda ayaa sidoo kale akhrinta koowaad marsiiyay laba sharci oo kala ah sharciga Qaxootiga iyo sharciga dhismaha hey’adda diiwaan-gelinta dadweynaha iyo bixinta aqoonsiga.

Sharciyadan oo ay soo diyaarisay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa waxaa xildhibaannada ka hor aqriyay wasiir ku xigeenka wasaaradaasi Isaaq Maxamed Maxamuud.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email