Madaxweyne Axmed Madoobe oo kulan la yeeshay Ururada Bulshada Rayidka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa la yeeshay kulan qaar kamid ah ururada bulshada rayidka ah.

Ururada bulshada rayidka oo ka hadlay kulanka ayaa sheegeen in madaxweynaha maamul gobaleedka Jubbaland uu ku ammaanay dadaalka dheeriga ah uu ku bixiyay sidii loo gaari lahaa doorasho heshiis.

Xubnahan ka socday ururada bulshada rayidka ah ayaa tilmaamay inay dowlada dhexe iyo maamul gobaleedyada kala shaqaynayaan sidii waxyaabaha dhiman loo dhamaystiri lahaa.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email