Axmed Madoobe oo kulan la qaatay xildhibaanada laga soo doorto degaanada Jubbaland

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa kulan la qaatay xildhibaanada laga soo doorto degaanada Jubbaland.

Axmed Madoobe oo ka hadlay kulan uu la qaatay xildhinaada Labada Aqal ee baarlamaank ku matala Jubbaland ayaa ugu baaqay  inay Ansixiyaan ra’iisul wasaaraha dhawaan la magacaabay iyo sidoo kale heshiis kii doorashooyinka ee muqdisho lagu gaaray.

Sidookale waxa uu sheegay in ay jiraan howlo badan oo la doonayo in la dar dar galiyo, waxaana uu sheegay in ay muhiim tahay ansixinta ra’iisul wasaaraha dhawaan la magacaabay iyo heshiis kii doorashooyinka ee dhawaan muqdisho ay ku gaareen madaxda dowlada dhexe iyo Dowlad Gobaleedyada.