Axmed Madoobe oo ka hadlay ansixintii heshiiska doorashada Soomaaliya

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa soo dhaweeyay ansixinta heshiiska doorashooyinka ee dhawaan ay gaareen madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada, kaas oo labada Aqal ee baarlamaanka ay maanta ansixiyeen.

Axmed Madoobe ayaa sheegay inay tani ugolxaar u tahay in lasii dardar galiyo howlaha dhiman, iyadoo laga faa’iidaysanayo waayo aragnimada doorashooyinka heer federaal ee afartii sanaba hal mar dalka laga qaban jiray.

“Waxaan rumays nahay in ay maanta labada aqal ee Baarlamaanku gaareen go’aan Tariikhi ah oo fursad inoo siinaya in aan sii amba qaadno waxyaabaha dhiman si Doorashadu ay ugu dhacdo jawi nabdoon oo lagu qanacsan yahay taas oo ah arrin soo socotay Sanadahii lasoo dhaafay ee dib u dhiska Dowladnimadeenna” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Sidookale Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa inaa ku daray in loo baahan yahay wada shaqayn buuxda iyo dadaal hagar la’aan ah oo dhamaan dhinacyadu ay u dhan yihiin, si loo wajaho mustaqbalka iyo himilooyinka dowladnimada Soomaaliya.