Ammaanka Muqdisho oo si weyn loo adkeeyey iyo wadooyin, isgoysyada muhiim oo la xiray

Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho, ayaa maanta xiran, waxaana ku sugan ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo gaadiidka dagaalka ku jaray wadooyinka.

Wadooyinka xiran waxaa ka mid ah wadada Makka Al-Mukarrama, sidoo kale waxa ay xireen, isgoysyadda ugu muhiimsan Muqdisho

Ciidanka ayaa goobaha xiran ku jaray gawaarida dagaalka, dhagaxaan iyo bir.

Qaar ka mid ah wadooyinka ayaa saaka isku badalay kala wareeg, waxaana wadooyinka lagu arkaya shacab fara badan oo lugeynaya.

Wali si rasmi ah looma ogga sababta ka dambeysa in maanta la xiro wadooyinka ugu muhiimsan Muqdisho.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email