Alshabaab oo weeraray ciidamda Kenya ee ku sugan Soomaaliya

Wararka ka imaanaya degmada Afmadow ee Gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in dagaal culus uu dhex maray Ciidanka Kenya iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii jidka loo galay Kolonyo ay la socdeen Ciidanka Kenya oo ka soo baxay degmada Afmadow.

Wararka ayaa sheegaya in dagaal qaatay ku dhowaad saacad uu dhex maray Ciidanka Kenya iyo Al-Shabaab, waxaana dadka xoolo dhaqatada ee ka ag dhulka howdka ay soo sheegayaan inay maqlayeen hub culus oo la isu adeegsanayay.

Ciidamada Kenya ee howlgalka AMISOM ayaa sheegay in xilliga la weeraray ay wadeen howlgallo amniga lagu sugayay oo ay mararka qaar ka sameeyaan deegaanada Gobolada Jubbooyinka.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sheegay in Ciidanka Kenya uu khasaare ka soo gaaray weerarkaas.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email