Al shabaab oo saakay weerar xoogan ku qaaday deegaanka Qooqaani ee gobalka Jubada Hoose

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday Kenya - Radio Risaala: Somali News Online

Wararka aanu ka heleyno deegaanka Qooqaani ee gobalka Jubada Hoose ayaa sheegaya in saakay AL shabaab ay weerar culus ku qaadeen xero ciidamada Jubaland iyo kuwa Kenya ay ku leeyihiin halkaas.

Weerarkan ay Al shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada ayaa ilaa haatan la ogeen khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay maqlayeen jug xooggan iyo rasaas daba socoto, balse aysan ka warami Karin xaaladda sida ay tahay iyo khasaaraha ka dhashay intaba.

Ugu dambeyntii Al shabaab ayaa dhawaanahan weerar kala duwan ku qaadaayay saldhigyada ciidamada Keynya iyo kuwa Jubaland ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan gobolka Jubbada hoose.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email