Al shabaab iyo ciidamada Kenya ku dagaal ku dhexmaray Jubbada Hoose

Al shabaab ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen Kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya oo marayay deegaanka Taabto ee gobolka Jubbada Hoose.

Dadka deegaanka ayaa ku soo waramaaya in weerarka uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ah, inkastoo aan si rasmi ah loo ogaan Karin.

Wararka naga soo gaaraayo deegaankaas ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay baaritaano ka wado deegaanka Taabto ee gobolka Jubbada Hoose.

Warbaahinta Kenya ayaa sheegaya in ciidamada Kenya iyo Al shabaab ay ku dagaalameen gobolka Jubbada Hoose.

Ugu dambeeyntiina dhowaanahaan Al shabaab ayaa weerar ku qaadaaya ciidamada kenya ee ku sugan deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email