Yuusuf Garaad oo qabsoomida Shirka Dhuusomareeb 3 ku tilmaamay arin mucjiso ah

Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa sheegay iney mucjiso noqon doonto hadii uu qabsoomo shirka Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kan maamul Goboleedyada.

Shirka Dhuusomareeb 3 ayaa waxaa inaga xigto kaliya mudo 2 maalin ayadoona ilaa haatan aysan muuqan qaban qaabada shirkaas, hadaba Yuusuf Garaad oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebooga ayaa sheegay in mucjiso noqon doonto hadiii uu dhaco Shirka Dhuusomareeb.

Halkaan ka akhriso qoraalka Danjire Yuusuf Garaad:

Shirka aad loo sugayo ee Dhuusa Marreeb in uu aflaxo in uu qabsoomo ayaa ka horreysa.

Berri iyo saaddambe oo keliya ayaa naga xiga 15-ka Agoosto. Haddii aan mucjiso dhicin, sansaanku uma eka in uu Shirka Dhuusa Marreeb uu furmi doono saakuun oo ah maalinta loo ballamay.

Xataa marka uu qabsoomo, xal lama gaari doono haddii aan dhinac la imaan tanaasul.

Waxaa markaa lama huraan noqon doonta in dhinac kastaa uu ka ruuqaansado barta uu hadda ku dheggan yahay ee lagu yaqaan, si bar hor leh oo raalli la isaga yahay loogu wada guuro.

Sida aan qoray saacado ka hor inta aan Baarlamaanku ridin Xukuumadda July 25, waxaan weli qabaa in Baarlamaanka iyo Dowlad Goboleedyada uu dalku wada qaado loona wada baahan yahay.

Is afgarad oo keliya ayaa meesha ka saari kara haddiiba ay dhab yihiin khataraha iyo hanjabaadda aan loo meel dayin ee tooska ah ee dhinacyada qaar ka soo yeera.

Waxaa kale oo uu heshiiskaasi dhimi karaa kaalinta uu ajnebi ku yeelan karo qaabeynta nooca doorashada iyo goorta ay noqoneyso.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email