Xukuumada oo masuuliyada waxbarashada ku wareejisay Maamulka Gobolka Banaadir

Xukuumada Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa masuuliyada waxbarashada ku wareejisay maamulka gobolka Banaadir, kadib kulan ay maanta isugu yimaadeen.

Sii hayaha xilka wasaarada Waxbarashada Goodax Bare ayaana masuuliyada waxbarashada ku wareejiyay gudoomiyaha Gobolka Cumar Maxamuyd (Cumar Filish), xili uu goob-joog ahaa sii hayaha xilka Ra’iisul wasaaraha Mudane Mahdi Guuleed.

Arintani ayaa waxay qeyb katahay dadaalada ay wasaarada Waxbarashada dalka kawado ee tayaynta heerka waxbarasho ee dalka, iyo ku dhaqmida nadaamka Federaalka.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email