Siihayaha ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mahadi Maxamed Guuleed ayaa si kumeel gaar ah ugu magacaabay Mucaawiye Sheekh Ibraahim xilka xoghayaha joogtada ah ee xafiiska ra’iisul wasaaraha, isagoo xilka ka qaaday Cabdirisaaq Xuseen Aaden, Caato oo muddo maalmo ah xilkaa hayay.

Lama oga sababta ka dambeysay isbedelkaan deg degga ah ee xil ka qaadista Cabdirisaaq Xuseen Aaden, Caato oo xilkaan si ku meel gaar ah loogu magacaabay 28 July.
Mucaawiye Sheekh Ibraahim ayaa ahaa waqti dheer kuxigeenka xoghayaha joogtada ah ee xafiiska ra’iisul wasaaraha.
Iscasilaadi Xasan Cali Kheyre kadib ayaa waxaa ku yimid howlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha jahawareer. Waa magacaabistii labaad uu sameynayo siihayaha xilka ra’iisul wasaaraha Mahadi Maxamed Guuleed.
Xilkaan ayaa waxaa horay u hayey Axmednuur Maxamed Cabdi inta aan loo magacaabin Cabdirisaaq Xuseen Aaden, Caato oo ka tirsanaa xafiiska madaxweyne Farmaajo.