Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyey xeerka dib u eegista miisaaniyadda dowladda

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey dib u eegista miisaaniyadda dowladda 2020, dib kulan oo uu maanyta ku yeesheen magaalada Muqdisho.

143 Xildhibaan ayaa ogolaatay, halka saddex xildhinaan ay diideen, mana jirin xildhibaan ka aamusay.

Dhinaca kale, siihayaha wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa uga mahadceliyay xildhibaanada Golaha Shacabka meel marinta dib ugu laabashada miisaaniyadda 2020 oo ansixinteedu muhiim u tahay sii socodsiinta howlaha dowladda.

Xigasho: Sonna

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email