Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta kulmaya iyo Ajandayaasha horyaalo

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maaanta lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan xaruntooda ku meel gaarka ah ee Villa Hargeysa.

Kulankaan maanta ajandayaashiisa ayaana waxaa ay kala yihiin Akhrinta;

Ajandaha koowaad oo ah Hindise sharciyeedka adeegyada baaritaanka beeraha Soomaaliyeed & Ajandaha labaad oo ah Akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka hay’adda socdaalka iyo Jinsayadaga.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay in uu Maanta jiro kulanka Baarlamaanka, isla markaana laga doonayo inay kulanka soo xaadiraan si uu u furmo.

Muddo laba todobaad ah Xildhibaannada Golaha Shacabka majirin wax kulan ah oo ay yeesheen, waxaana hakad ku jiray fadhiyada kal-fadhiga 7aad sababo aan weli la shaacin dartood.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email