Xasan Sheekh iyo Shariif Xasan oo kulan muhiim ah ku yeeshay Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ,aanta magaalada Muqdisho waxaa uu kula kulmay madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ahna guddoomiyaha xisbiga Horu-socod Qaran oo dhawaan soo gaaray Muqdisho.

War kasoo baxay Xisbiga Midowga iyo horumarka oo uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu sheegay in kulanka uu ahaa mid sanaan iyo is-xog wareysi ah, hayeeshee aan wax faahfaahin dheeraad ah laga bixin.

Hayeeshee, wararka aan helnay ayaa sheegayaan in ay labada mas’uul ay isla soo hadal qaadeen xaalada siyaasadeed ee dalka ee lagu guda jiro xilliga kala guurka iyo arrimaha doorashooyinka.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maalma ka hor dib ugu soo laabtay Muqdisho, waxaana la filayaa in kulamo kala duwan uu la qaato siyaasiyiinta saameynta ku leh dalka.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email