Wasiirka Wasaarada Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka oo gaaray magaalada Dhuusomareeb

Sii hayaha wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka soomaliya mudane, Xamsa siciid xamsa iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa manta gaaray caasimada Galmudug ee dhuusomareb.

Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Dhuusomareeb kusoo dhoweeyay wasiirka wasaaradda Gargaarka Galmudug mudane Abdirahman (makaawe) xilibaano iyo wasiiro ka tirsan Galmudug.

Wafdigaasi oo uu ka mid ahaa wasiir ku xigeenka wasaarada gargaarka iyo mareynta musiibooyinka Galmudug Samiiro ibraahim cali,waxaa mudada ay joogaan Degmadaasi ay la kulmi doonaan madaxda Dowladda Galmudug.

Wasiirka gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ayaa shalay gaarsiiyay Maamulka Jubbaland qalab loogu talogalay in lala socdo cimilada iyo tilmaamayaasheeda.
Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa agabkaan ugu tala-gashay in la gaarsiiyo dhammaan dowlad-gobaleedyada iyo gobalka banadir.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email