Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maamulka Hirshabeele oo xilka laga qaaday iyo qofka lagu badalay

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Wasiirka Beeraha iyo waraabka maamulkaas ee Cali Xaaji Cabdulle (Isgoowe).

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Waare ayaa lagu sheegay in markii uu arkay dardar gelinta howlaha adag ee horyaalla Wasaaradda in xilka Wasiirka Beeraha Iyo Waraabka Hirshabeelle laga qaaday Xildhibaan Cali Xaaji Cabdulle Isgoowe.

Sidoo kale waxaa xilka Wasiirka cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka loo magacaabay Xildhibaan C/qaadir Abuukar Muxumed.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email