Wasiir dowlaha Madaxtooyada Puntland Marxuum Marxuum Maxamed Xasan Ciise Allaha u Naxariistee ayaa maanta ku geeriyooday isbitaalka magaalada Garoowe kaasoo saakay la dhigay.
Wasiirka ayaa saakay isbitaalka la dhigay asigoo aad u xanuunsan sidoo kalana naqaska ku xiranyahay waxayna wararka sheegayaan inuu haayay cudurka dunida ku faafay ee Corona-Virus kaasoo uu ugu dambeyn u geeriyooday.
Geerida wasiirka ayaa waxaa xaqiijiyay qaar kamid ah wasiirada maamulka Puntland kuwaasoo tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday.
Waa wasiirkii labaad ee Puntland uga geeriyooda caabuqa Corona Virus waxaana horay feyraskaan ugu geeriyooday Wasiirkii hore ee beeraha Puntland Allaha u naxariistee Marxuum Marxuum Ismaaciil Gama’diid.