Wasaarada waxbarashada oo dalka ka ceyrisay Agaasimihii hey’ada CARE

Qoraal kasoo baxay xafiiska sii hayaha wasiirka waxbarashada Cabdullahi Goodax Barre ayaa lagu faray Cabdullahi Imaan oo ahaa agaasimihii hey’adda CARE inuu dalka ka baxo, kana shaqeyn karin.

Imaan ayey dowladda federaalka ah ku eedeysay inuu sameeyey meel ka dhac ku aadan siyaasadaha waxbarasho ee Muqdisho isla markaana uu abuuray qalqalgelin iyo kalsooni darro dhexmarta dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada oo dhinac ah iyo dowladda federaalka ah iyo deeq bixiyeyaasha oo dhanka kale ah.

Hey’ada CARE ayaa sheegtay iney ka hawalgeli doonaan xalka arrintaas, waxaana xusid mudan in hey’ada CARE ay Soomaaliya joogtay ilaa 1981 iyada oo ka shaqeysa arrimaha biyaha iyo fayadhowrka.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email