Sheekada jaajuusaddii reer Masar Hibo Saliim ee sirdoonka Israa’iil dalkeeda u adeegsadeen qeybta 1aad

Magaca Hiba Saliim markaad maqasho waxaa durba kugu soo dhacaayo mid kamid ah jaasuusiintii ugu halista badnaa uguna dhagarta badnaa ee Mossadka ku guuleysteen iney askareeyaan kadibna danahooda ugu adeegto.

Waxay aheyd gabar masaari ah balse dhagarta yahuuda iyo siriqdooda ku dhacday ayadoona markii dambe bilowday qorshe ay ugu adeegeyso danaha Yahuuda kuwaasoo halis galiyay guud ahaan amnigii wadanka Masar waliba aydoo gudbisay halis weyn oo ay Israel ku burburin kartay dowladii Masar sidoo kalana guul weyn kaga gaari laheyd dagaalkii Oktobar ee Masar iyo Syria oo dhinac ah ay la galeen Yahuuda.

Hiba Salim oo aheyd gabar dhalinyar qurux badan misna aanan wali gaarin da’dii 25 jirta ayaa waxaa ugu dambeyn gacanta ku dhigay mukhaabaraadkii Masaarida balse waxaa xiiso leh siday ay ugu dhacday siriqdii Mossadka qaabkii ay u howlgashay, sirihii ay gudbisay, qaabkii loo daba galay, sidii mucjisada aheyd ee lagu qabtay, qaabkii loo xukumay ilaa heer arinteeda gaarto iney dowladaha ugu quwada weyn caalamka misna uu hogaaminaayo Mareykanka ka hadlaan ayadoona xoghayaha arimaha dibada mareykanka ee waqtigaas uu xitaa magaalada Qahira yimid sii uu madaxweynaha Masar ugala hadlo in xukunka loo dabciyo Hibo Salim oo dil toogasho ku xukuneyd.

Ma dooneyno inaan sheekada ka hordhacno balse waxaan idiin hubaa in sheekadaan ay kamid tahay kuwa ugu xiisaha badan sheekooyinkii laga qoray jawaasiista caalamka waxaana qalinka u qaatay saaxiibkiin Cabdiraxmaan Xasan Anteeno misna luuq kasta u galay sidii uu sheekada gabadhaan xog walba oo la xiriirta idiin kuugu soo gudbin lahaa.

Hibo Salim sheekadeeda waxaa horay looga qoray maqaalo badan sidoo kalana waxaa jiro ruwaayad sheekadeeda looga hadlaayo ilaa heer ay gaartay in filimaan badan laga sameeyi sidoo kalana caan ka noqoto dhamaan dhulalka carbeed.

Hadaba intaan sheekada gudo galin waxaa markasta muhiim ah inaan ogaano dhagarta iyo siriqda uu cadwogeena inoo maleegi karo gaar ahaan Yahuuda si aysan noogu dhicin midi ku dhacday Hibo Saliim sidaas owgeed ayaan hordhacaan xiisaha leh misna la xiriira dhagarta iyo siriqda Yahuuda ee soo jireenka ah kaga hadli doonaa.

Yahuuda markasta waxay ahaayeen cadow soo jireen ah misna islaamka neceb Allaah ayaana quraankiisa ku sheegay iney yihiin Yahuuda dadka ugu neceb islaamka iyo muslimiintaba waxaana ka dhow nasaarada.

Nabiga scw markuu Magaalada Madiina soo dagay misna usoo hijrooday waxaa magaalada Madiina daganaa 3 qabiil oo yahuud ah waxayna kala ahaayeen Banii Qeynu Qaac, Banii Nadiir iyo Banii Qureyda.

Sadaxdaas qabiil ee madiina daganaa wuxuu nabiga scw markii koowaad la galay heshiis si nabad ah Madiino loogu daganaanayo ayadoon la isku xadgudbin waxayna Muslimiinta iyo Nabiga scw kasoo baxeen heshiiskii ay la galeen Yahuuda balse Yahuuda oo dhagar iyo khiyaano aysan marnaba ka dhamaanin ayaa mudadii ay Madiino daganaayeen magaalada la dhex joogay dhagar iyo cabsi galinta Muslimiinta.

Waxay had iyo jeer jeclaayeen jabka islaamka iyo Muslimiinta waxay kaloo jeclaayeen in muslimiinta dhexdooda iksu jabiyaan iskana hor keenaan ayagoo doonayo in qabiil qabiil isugu diraan.

Magaalada Madiina waxaa daganaa labo qabiil oo Ansaar ah kuwaasoo kala ahaa Ows iyo Khazraj waxaana tiro ahaan badnaa reer Khazraj, hadaba inta uusan islaamka soo gaarin kahor waxay ahaayeen kuwa si joogto isku laayo misna aanan waxba iskula harin maadaama ay jaahiliin ahaayeen waqtigaas.

Dagaaladii Ows iyo Khazraj dhexmaray waxay ahaayeen kuwa aad u badan waxaana ugu caansanaa dagaalkii Bucaath kaasoo dhacay waxyar kahor inta uusan nabiga scw iyo saxaabadiisa Muhaajiriinta ahaa usoo hijroonin magaalada Madiina.

Nabiga scw markuu magaalada Madiina yimid oo ansaartii islaamka qaadatay wuu walaaleeyay Ows iyo Khazraj Allaahan qalbiyadood burcad isku mariyay ayagoona iska iloobay cadaawadii gaamurtay ee ka dhaxeysay waxayna ku midoobeen islaamka iyagoona walaalo dhiiga isku hura Allaah dartiis isku jecelna noqdeen.

Yahuuda waxay ahaayeen kuwa aad uga xun sida uu Nabiga scw u walaaleeyay Ansaarta waxayna u qaadeen xiqdi iyo cadaawad dheeraad ah sidaas darteed wado kasta ayay u mari jireen sidii ay cadaawada usoo nooleyn lahaayeen misna dhimbilaha yaryar xaabo ugu guri lahaayeen si uu u qarxo dagaal Ansaarta dhexdooda ama mid Ansaarta iyo Muhaajiriinta u dhaxeeyo si uu islaamka isugu dhex jabo.

Sidaan horayba idiin kuugu sheegnay Yahuuda taariikhdooda waxaa ka buuxo dhagar, khiyaano shirqoolo iyo cadaawad ay u haayaan Islaamka iyo Muslimiinta taasina waa mid soo jireen ah.

Hadaba intaan gudo galin sheekadeena waxaan doonayaa inaan daawadayaasheena sharafta leh usoo qaato sadax dhacdo oo kamid ah dhacdooyinkii Yahuuda iyo dhagartoodii ay ku doonayeen iney ku dabar gooyaan islaamka si aad u ogaatid in Yahuuda aysan dhagar ka dhamaanin wanaagna laheyn sidoo kalana islaam naceybka uu yahay hadafkooda koowaad anagana uga feejignaano.

DHACDADA KOOWAAD; BANII QEYNU QAAC.

La soco qeybta 2aad.

W.D. Cabdiraxmaan xassan anteeno.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email