Guddoomiyaha Aqalka Sare oo sheegay in been abuur lagu sameeyay xeerka Maaliyadda dalka

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullahi oo soo saaray warsaxaafadeed ayaa codsaday in si degdeg ah baaris loogu sameeyo been abuurista lagu sameeyay habraaca dhaqan galinta Xeerka Maaliyadda Guud ee dalka.

Cabdi Xaashi ayaa adaxweynaha ka dalbaday in baaris degdeg ah uu ku sameeyo xeerka maaliyadda guud ee dalka oo uu dhowaan u gudbiyey Golaha Shacabka.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa sidaan u dhignaa;

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email