War degdeg ah: Qarax xoogan iyo is rasaaseyn ka dambeysay oo ka dhacay Elite Hotel

Qarax xoogan ayaa wuxuu ka dhacay Degmada Cabdicasiis gaar ahaan dhanka Xeebta Liido ayadoo bartilmaameedka ahaa Elite Hotel oo xeebtaas ku yaalo.

Qaraxa ayaa wuxuu ahaa mid gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay kaasoo lagu beegsaday afaafka hore ee Hotelka waxaana xigay weerar toos ah.

Ciidamo hubeysan ayaana qaraxa kadib Hotelka gudaha u galay ayadoona halkaasi ay haatan is rasaaseyn xoogan ka socoto taasoo u dhaxeyso raga hubeysan iyo ilaalada Hotelka mana jirto ilaa haatan xog rasmi ah oo laga heli karo khasaaraha qaraxa iyo weerarkii ka dambeeyayba geysteen.

Xorriyo Online kala soco wixii warar ee kusoo kordho.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email