Dowladda Soomaaliya oo sharuudo ay ku aqbalayso Qaadka u gudbisay dalka Kenya

Dowlada Federaalka Soomaaliya oo dhawaan kordhisay xayiraada Qaadka Kenya ka imaado ayaa lagu soo waramayaa in ay shuruudo adag ku xirtay dib usoo dajinta Jaadka.

Wargeyska The Business Daily ee ka soo baxa magaalada Nairobi ayaa warbixin uu ka qoray xiyaarada ay Soomaaliya saartay Qaadka ayaa soo bandhigay shuruudo uu sheegay in dowladda federaalka ay ku soo rogtay Qaadka maalin-walba uga imaan jiray dalkaasi.

Wargeyskaan ayaana soo bandhigay afartaan shuruud ee hoos ku xusan;

1 – In dowladda Kenya ay faragelinta ka deyso Arrimaha Gudaha Soomaaliya,isla markaana si siman ula macaamiisho dadka Soomaaliyeed.

2 – In Kenya raali gelin ka bixiso inay kusoo xadgudubtay Hawada Soomaaliya

3 – In Kenya ogolaato inay dhoofsato wax soo saarka Soomaaliya, sida Kalluunka, Malabka, Hilibka iyo Caanaha iyo waxyaabaha kale ee muhiim ah.

4 – In Kenya ay laasho in duulimaadyada ka baxa Soomaaliya ugu baareyso Magaalada Wajeer ee gobolka waqooyi bari taas oo dhibaato weyn ay ku qabaan dadka ka baxa gudaha dalka Somaaliya.

Waxaa xusid mudan tan iyo markii DFS joojisay qaadkii Kenya ka imaan jiray in ganacsatada Kenyaatiga aad uga cabanaayeen burbur dhaqaale oo soo wajahay, ayagoona lacago badan oo Soomaaliya kasoo gali jiray waayeen.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email