Waa maxay codsiga uu Madaxweynaha Puntland Saciid Deni u diray Dowlada Jabuuti

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegayo in Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu dalab u diray Dowlada Jabuuti sidii ay uga caawin lahaayeen qalabka Dekeda gaar ahaan midka goobaha maraakiibta bacaadka looga saaro.

Madaxweyne Deni ayaana khadka taleefanka kula xiriiray maareeyaha dekeda Jabuuti asigoona ka dalbaday qalabkaasi maraakiibta bacaadka looga saaro keenaan dekedooda maalmo kooban sidii ay dekeda bacaadka soo buuxiyay uga nadiifin lahaayeen.

Dowlada Jabuuti ayaana u sheegtay maamulka Puntland in codsigooda ka fiirsan doonaan kadibna qalabka usoo diri doonaan.

Waxaa xusid mudan in dekeda Boosaaso ay gacanta ku heyso shirkada DP World ee Imaaraatka laga leeyahay taasoo aanan dekeda wax hormar ah kusoo kordhinin tan iyo markii lagu wareejiyay.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email