Turkiga oo gaadiidka dagaal iyo qalab ciidan oo casi ah ugu deeqday Soomaaliya ‘sawirro’

Xorriya.com: Dowladda Turkiga ayaa ugu deeqday dowladda Soomaaliya gadiid dagaal oo casri ah kaas oo muhiim u ah ciidamada Soomaaliya ee dib u dhiska iyo dib u habeynta lagu wado.

Gadiidkaan ciidan oo ka kooban 12 ayaa ah nuuca gaashaaman ama qufulan kaas oo awood u leh in ay si fudud u maraan wadooyinka jajaban iyo meelaha aysan mari karin baabuurta kale.

Munaasabaddaan ay Soomaaliya kula wareegtay gaadiidkaan ayaa lagu qabtay gudaha dekadda Muqdisho. Waxaana ku sugnaan goobta siihayaha wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed, Taliyaha Ciidanka Xoogga, Sarreeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage iyo safiirka dalkaTurkiga ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Xorriya.com kala soco warar iyo warbixinno xaqiiq ah

Gaadiidkaan Gaashaaman ee casri ah ayaa wax badan ka taageeri doono Ciidanka Xoogga Soomaaliya oo wada howlgallo dalka looga xoreynayo argagixisada Alshabaab.

Dawladda Soomaaliya ayaa wada dadaalo xooggan oo lagu dhisayo Ciidanka Xoogga qeybihiisa kala duwan, waxaana arrimahaas barbar socda qalabeynta iyo tayeynta Ciidamada.

Waxay aheyd saddex maalin ka markii sidaan oo kale Turkiga ugu wareejiyey dowladda Soomaaliya gadiid ciidan oo laagu talagalay ciidada Gorgor.

Turkiga ayaa Soomaaliya ka caawiya dhinacyo dhowr ah oo ay ugu horreyso dhismaha ciidamada, Waxaana saldhig weyn uu ku leeyahay magaaladda Muqdisho, kaasi oo lagu tababaro ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.