Turkiga oo gaadiid dagaal ku wareejisay ciidamada dowlada Soomaaliya

Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa dowladda Turkiga kala wareegtay gaadiid dagaal oo loogu talo galay inay ku howl-galaan ciidanka dowladda Federaalka.

Gaadiidkan oo gaaray ilaa 12 baabuur ayaa waxaa loogu tala-galay inay isticmaalaan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor gaar ahaan guutadooda saddexaad, sida lagu sheegay war ka soo baxay wasaaradda difaaca ee xukuumadda Ankara.

Qoraalkan ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in gaadiidkaasi loo gacan geliyey 22-kii bisha August taliyaha ciidanka Xoogga dalka, General Odowaa Yuusuf Raage.

Baabuurtan ayaa ah kuwa loo adeegsado dhulka aad u adag, waxaana loo adeegsan doonaa howlgalada Milatari ee ka dhanka ah dagaalyahanada Al-Shabaab.

Turkiga ayaa Soomaaliya kaa caawiya dhinacyo dhowr ah oo ay ugu horreyso dhismaha ciidamada, waxayna saldhig weyn ku leeyahiin magaalada Muqdisho.