Taliyaha qeybta booliska Galmudug oo gaaray deegaanka Xeraale

Taliyaha Qeybta Booliiska Galmudug General Bishaar Abshir Geedi ayaa gaaray Degaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud halkaa oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Taliyaha ayaa inta uu ku guda jiro safarkiisa Waxa uu socdaal kumari doonaa Degmooyin badan oo katirsan labada Gobol ee taliska hoostaga.

Degmada Xeraale oo uu taliyuhu haatan joogo waxa uu booqday Dhismaha saldhiha Booliiska oo dib u habeyn lagu wado, sidoo kale qaybaha bulshada ayuu la yeelan doonaa kulamo ku saabsan amniga deegaankaas.

Taliska cusub ee Booliiska Galmudug ayaa ku guuleestay in nidaamka amni ee Booliiska la gaarsiiyo degmooyin iyo deegaano howlaha booliiska horay gaabis uga ahaa.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email