Taliyaha Xabsiga dhaxe ee Xamar oo xilkii laga qaaday

Taliyaha ciidamada Asluubta Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa xilka si kumeel gaar ah uga qaaday taliyihii xabsiga dhexe Gaashaanle Sare Aadan Xuseen Kulmiye.

Shaqo ka joojintaan ayaa timid kadib markii dhawaan shaqaaqo culus ka dhacday xabsiga dhexe ee Muqdisho, ayadoona shaqaaqadaas ku nafwaayeen qaar kamid ah ilaalada xabsiga dhexe, si lamid ahna ragii maxaabiista ee dagaalka shaqaaqada ka qeyb qaatay waxaana sidoo kale baxsaday hal maxbuus.

Taliyaha ciidanka asluubta Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaana xilka si kumeel gaar ah ugu magacaabay Jeneraal Daahir Aadan Cabdulle asigoona howsha halkeeda kasii wadi doono mudada ay socoto baarista sababtii keentay shaqaaqada dhacday iyo hadii la fududeeyay.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email