Somaliland oo si weyn u soo dhaweysay heshiiska Imaraadka Carabta iyo Israel

Wakiilka Somaliland u fadhiya magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya Baashe Cumar Cawil ayaa shaaciyey in Somaliland ay soo dhoweyneyso xiriirka cusub ee dhex-maraya dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta iyo Israel.

Baashe ayaa sheegay in Somaliland ay tahay Dal nabada jecel, sidoo kalana si buuxdo u taageerayaan heshiiskaas oo uu ku tilmaamay mid taariikhi ah, waa siduu hadalka u dhigaye.

“Annagoo ah dad jecel nabada waxaan taageersanahay heshiiskii taariikhiga ahaa ee dhex dhexaadka ahaa ee dhexmarey Isutaga Imaaraatka carabta iyo Israa’iil taas oo lagu bedelay qaadashada isukeeninta miiska (la joojiyo codsiyada madaxbanaanida aagagga Daanta Galbeed). Heshiiska ayaa tusaale wanaagsan u ah isbahaysiga ka dhexeeya waddamada gobolka ee daneynaya xasilloonida gobolka iyo iskaashiga.”ayuu yiri Baashe Cumar oo sidoo kale horay Somaliland ugu soo matalay dalka Imaaraadka Carabta.

Heshiiskii Imaaraatka iyo Israel waxaa horay u taageeray dalal badan oo ay kamid yihiin Mareykanka oo garwadeen ka ahaa iyo midowga Yurub, si lamid ahna Qaramada Midoobay.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email