Somaliland oo si adag uga hadashay qodob kamid ah qodobada Shirkii Dhuusomareeb 3

Maamulka la magacbaxay Somaliland ayaana ka hadlay war murtiyeedkii laga soo saaray shirkii Dhuusomareeb 3 kaasoo uu qodob kamid ah ayaga taabanayay.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-Nac) oo kamid ah xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaana ka hadlay qodob kamid ah qodobadii kasoo baxay war murtiyeedka Shirkii Dhuusomareeb 3.

Xildhibaanka ayaana gaf ku tilmaamay qodob kamid ahaa qodobadii shirka Dhuusomareeb 3 kasoo baxay asigoona sheegay in Somaliland tahay dal xor ah oo madax banaan, waa siduu hadalka u dhigaye.

“Qodob kasta oo Maamulka Muqdisho soo saaro maaha qodob anaga na khuseeya, Doorasho toos ah iyo Doorasho dadban midna awood uma laha inay dalkayaga ka qabtaan, anaga ayaa ah dal wax walba qabsaday” ayuu yiri xilidhibaanka

Wuxuuna intaas raaciyey “Somaliland waa dal iskii u taagan oo madax-bannaan, mana ah dal hoos yimaadda Soomaaliya, waanu u madax-bannaan nahay oo xor ayaanu u nahay, waxayna iska dhaadhiciyeen waxaan u soconayn oo ah ‘inay Somaliland oo ah dal isku tashaday inay maamulaan”.

Ugu dambeyn xildhibaanka ayaa yiri: ““Waanu u madax-bannaan nahay oo xor ayaanu u nahay in aanu xidhiidh la samayno dawlad kasta iyo dal kasta oo aanu iskaashi yeelanayno, awood ay ku soo cago dhigtaan iyo talaabo ay naga qaadi karaana ma leh”

Qodobka saameeyay ee uu xildhibaanka ka hadlaayo ayaa ah qodobka ka hadlaayo sida lagu soo dooranayo siyaasiyiinta Somaliland kasoo jeedo ee DFS katirsan.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email