Somaliland oo baareysa dhibaatada caafimaad ee ka dhalan karto anteenada shirkadaha isgaarsiinta

Somaliland ayaa maanta sheegtay inay bilaabayso baadhista halista caafimaad ee ay keeni karaan anteenada ama taawarrada shirkadaha isgaadhsiinta.

Dowladda ayaa soo iibsatay qalab lagu ogaanayo awoodda hirarka ay taawarradu gudbinayaan.

Wasiirka isgaadhsiinta Somaliland Cabdiwali Cabdillaahi Suufi ayaa sheegay in qalabkan loogu talogalay inuu maamulo hirarka isgaarsiinta, in lagula socdo shucaaca ka soo baxa taawarrada iyo goobaha isgaarsiinta, iyo in lagu hormariyo cilmi baarista teknolojiyadda.

Waxaa horay u jirtay cabasho iyo cabsi laga qabo saamaynta caafimaad darro ee ka dhalan karta hirarkaas oo dad badani ka hadlaan qaarkoodna ay qoraallo ka sameeyeen.

Wuxuu wasiirku sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono shirkaddii lagu helo in ay taawarradeedu sababaan xaalad caafimaad darro.

Isha: BBCSOMALI

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email