Maxaa ka ogtahay siyaasadda eed iska fogeeynta iyo dambi iska nadiifinta

Maxaa ka ogtahay siyaasadda eed iska fogeeynta iyo dambi iska nadiifinta

Halkee asal ahaan uu ka yimid “Scapegoating”. Waxaa jirta sheeko ama qiso caan ah oo la magac baxday aan rida dambiga usaarino (Scapegoating).

Sheekadan ayaa ah in wax kasta oo dambi ah oo Yuhuuddu galaan loo saariyo ‘ri’ meel iska taagan kaddibna ridaas masaafuris lala beegsado oo dhul cidlo iyo ciirsi la’ ah lagu raacdeeyo, maadaama ay dambi gashay.

In rida dambiga loo saariyo loogana saan-tirto dambigii lagalay oo dhan ujeedkeedu waa in bulshada halmeel oo aad adigu rabtid loo jiheeyo taasoo ah in farta loogu fiiqo qofka la waxyeeleyn rabo run iyo been intaba, laakiin wixii dambiga loo saariyay waa ineysan awood ulaheyn sameynta rabshado kale.

Sida caadiga ah waa dhacdaa qof kastana waa soo martaa inuu dambi uu galay usaariyo ama uga dhuunto qof kale dambigu ha weynaado ama hayaraado, laakiin qofka aad dambiga usaarineysid ama uga dhuumaneysid waa in lagu arkay ama uu ka ag muuqday meesha dambigu ka dhacay si loo helo marqaati wax uun ku caddeyn kara qofka dambiga loo saarinayo.

Ereyga “scapegoat” waxaa loo adeegsaday dood badan oo ku saabsan siyaasada sanadkii 2016. Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, wuxuu ka codsaday codbixiyaasha qaar hadalo Xanaf leh oo u muuqday inay u badan yihiin hadalo ka dhan ah dadka reer Mexico iyo Muslimiinta dhibaatooyinka bulsho iyo dhaqaale ay ku hayaan dalka mareekanka,markaas oo loo tusaaye dadka tira badan ee kale in lagu soo jiito balse an run eheen.

Ujeedka iyo nuxurka sheekadan aan usoo qaatay waa nin walbaa dhan ubadi, waa uun adiga iyo fahamkaaga iyo sida aad ugu dabaqdid dhexmilantid dunida maanta.

W/Q Abukar Mohamed

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email