Siihayaha Ra’iisul Wasaaraha Mahdi Guuleed oo gudoomiyay shir looga hadlaayay dhaqaalaha iyo deyn cafinta

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa maanta guddoomiyay shir looga hadlay dhaqaalaha dalka iyo dardar gelinta qorshaha deyn cafinta.

Kulankaan ayaa waxaa ka qeyb galay sii hayaha wasiirka maaliyadda, guddoomiyaha bangiga dhexe iyo mas’uuliyiinta hey’adaha iyo wasaaradaha qeybta ka ah tubta horumarinta dhaqaalaha ayaana looga dooday arrimaha dhaqaalaha dalka, gaar ahaan dhibaatadii ka dhalatay cudurka COVID19.

Sidoo kale kulanka ayaa looga dooday isu diyaarinta shir dhex maraya dowladda iyo IMF oo kamid ah imtixaanaadkii joogtada ahaa ee lagu ogaanayay sida dowladdu ay usoo buuxisay shuruudihii deyn cafinta.

Dhamaan wasaaradaha iyo hey’adaha dowladda ee ka tirsan tubta horumarinta dhaqaalaha ayaa la faray inay qeybta uga aadan ka qaataan qorshaha deyn cafinta dalka si loogu guuleysto dhammaan shuruudaha loona gaaro himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email