Siihayaha xilka ra’iisul wasaare Mahdi Guuleed oo mashruuc muhiim u ah dekeda Muqdisho xariga ka jaray

Siihayaha xilka ra’iisul wasaare Mahdi Guuleed ayaa xariga ka jaray Musawac loogu talo galay in maraakiibta hago si ay sifudud Dekeda ugu soo xirtaan xiliga Habeenka.

Musawacaan ayaa loogu talo galay in Maraakiibta iyo Doomaha hago gaar ahaan kuwa cilada ku timaado si ay u ogaadaan goobta ay ku taalo Dekeda iyo masaafada ay u jirtaba si ay halista uga badbaadaan.

Siihayaha xilka ra’iisul wasaare oo Mashruucaan xariga ka jaray ayaa sheegay in Musawacaan uu muhiin u yahay Dakada Muqdisho iyo Dhammaan maraakiibta isticmaala xeebaha Soomaaliya.

“Waxa ay inoo tahay farxad aad u weyn in aynu daah-furno musawaca oo ah hagaha maraakiibta iyo doomaha marka ay dabayo dhacaan ama dhibaatooyin kale soo wajahdo, waana meesha ay kusoo hiranayaan si ay usoo gaaraan Dekedda, waana tallaabo muhiim ah, waxaana qalabkaan loo sameeyay hab casri ah, horay ayuu dalka ugu jiray balse haatan ayaa dib loo soo nooleeyay waliba si casri ah” ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email