Kusimaha ra’iisul wasaaraha Mahdi Guuleed oo kulan degdeg ah la qaatay laamaha amniga dalka

Siihayaha xilka Ra’iisul Wasaare Dowlada Federaalka Soomaaliya Mahdi Guuleed ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay laamaha ammaanka dalka kadib weerarkii shalay ee Hotel Elite.

Mahdi Guuleed ayaa laamaha amniga dalka ku booriyay sidii ay u xoojin lahaayeen amniga dalka waxna uga badali lahaayeen amni xumada uu dalka sii galaayo mudooyinkii ugu dambeeyay.

Weerarkii shalay lagu qaatay Hotel Elite ayaa waxaa ku geeriyooday inta la xaqiijiyay 20 ruux, sidoo kalana waxaa ku dhaawacmay in kabadan 40 ruux asigoona noqday weerarkii ugu horeeyay Hotel lagu qaado sanadkaan.

Al-shabaab ayaa sheegtay weerarkaas asigoona bartilmaameedka uu ahaa masuuliyiinta dalka ee Hotelkaas ku sugnaa iyo Hotelka oo uu leeyahay Xildhibaan Cabdullaahi Macalin Nuur.

Tan iyo markii la riday xukuumadii Ra’iisul Wasaare Kheyre waxaa sii badanayo amni xumada Dalka ka jirto ayadoona weerarada lagu bartilmaameedsanayo masuuliyionta Dowlada ay kordheen mudooyinkii ugu dambeeyay, xili Wasiirka waxbarashada Goodax Bare uu shalay asigana ka badbaaday isku day lagu khaarijin lahaa.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email