Shiinaha oo xoghayaha Mareykanka Mike Pompeo ku eedeeyay inuu faafinaayo Feyras siyaasadeed

Afhayenka Wasaaradda Arimaha Dibadda Shiinaha Zhao Legian ayaa wuxuu sheegay in Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka Mike Pompeo uu si joogto ah u dhalleeceeyo una eedeeyo Shiinaha meelkasta oo uu aado, sidaas darteedna uu yahy qof faafiyo macluumaad marin habaabin ah “Feyras siyaasadeed”.

“Pompeo meel kasta oo uu aado, wuxuu sidaa oo uu ku faafiyaa fayrasyo ​​siyaasadeed iyo macluumaad khaldan,” ayuu yiri afhayeenka Shiinaha.

Afhayeenka ayaana wuxuu intaas ku daray hadalkiisa “Waxaan jeclaan lahaa inaan fursadan uga faa’iideysto oo aan weydiiyo saxaafadda inay wax ka weydiiyaan Mr. Pompeo inuu dambi dareemayo markii uu si qallafsan ugu celceliyo beenta asigoona iska indhotiraayo xaqiiqada jirta maalinba maalinta ka dambeysa”.

Hadalka afhayeenka Wasaarada Arimaha Dibada ee Shiinaha ayaa imaanayo xili uu aad usii xumaanayo xiriirka siyaasadeed iyo kan dhaqaale ee ka dhaxeeyo Shiinaha iyo Mareykanka.