Madaxweynaha dowladda goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay madaxweynaha dowlad goboleedka Cabdulcasiis Xasan Laftagareen iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u yimid ka qeybgalka shirka Dhuusamareeb 3 ee looga tashanayo arrimaha doorashooyinka dalka kaasoo ka furmaya dhawaan caasimadda Galmudug.
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed oo sidoo kale horay goob joog u ahaa shirarkii Dhuusomareeb 1 iyo 2 ayaa sidii balanka ahaa maanta gaaray magaalada Dhuusomareeb ee xaruunta maamulka Galmudug si uu uga qeyb galo Shirka Dhuusomareeb 3 oo dhawaan furmi doono.
Shirkaan oo la is lahaa wuu baqan doonaa ayay haatan u egtahay inuu qabsoomi doono ayadoona Madaxweynaha dowlada Federaalka soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo asigana maanta ku wajahanyahay Dhuusomareeb.
Hadaba halkaan hoose ka daawo sawirada soo dhaweynta Madaxweynaha Koonfur Galbeed.








