Sargaal ka tirsan Al shabaab oo isku dhiibay maamulka Koonfur Galbeed

Wararka laga helaayo gobolka Bay ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaayo in sargaal ka tirsan ururka Al-shabaab uu isku dhiibay ciidamada Degmada Qansaxdheere ee Gobolka Bay.

Sargaalkaan oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Xasan uu mudo dhowr sano ka tirsanaa Al-shabaab asigoona uga howlgali jiray deegaanada hoos tago Qansaxdheere.

Ninkaan ayaana ciidanada Qansaxdheere ku sugan isku dhiibay asigoo wato qori AK47 iyo booshashkiisaba, waxaana lagu wadaa in lagu soo wareejiyo Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Ma ahan markii ugu horeysay ee uu sargaal Al-shabaab ah isku soo dhiibo ciidamada Dowlada horay ayayna u dhacday in saraakiil shabaab ka tirsan kusoo biiraan ciidamada Dowlada.