Sanbaloolshe oo sheegay qorshihii Fahad Yaasiin iyo Jawaabtii Xassan Sheekh Maxamuud

Taliyihii hore ee Nabad Sugid iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa ka warbixiyay wixii ay xalay kawada hadleen Taliya NISA Fahad Yaasiin iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna hogaamiyaha Xisbiga UPD Mudane Xassan Sheekh Maxamuud.

Cabdullaahi Sanbaloolshe oo haatan ah xubin ka tirsan xisbiga UPD ayaana sheegay in taliyaha NISA Fahad Yaasiin uu Xassan Sheekh kusoo hadal qaaday kala hadlida doorashada dalka balse Xassan Sheekh uu taliyaha u sheegay in Nabad Sugida faraha kala baxaan siyaasada kuna ekaadaan sugida amaanka dalka.

“Dadka Soomaaliyeed waxaa u caddeynayaa anigoo ku hadlaya magaca Xisbiga UPD in aan la isku qaadin arrimo la xiriira Ra’iisul Wasaare, haddii la isku soo qaaday aan laga hoos-qaadin Taliyaha Nabadsugida, farriinta Madaxweynaha wuxuu ahaa yaa dalka qalqal la gelin, doorashada si nabad haloo qabto, Nabadsugida siyaasadda faraha hakala baxaan wixii hadda ka dambeeya.” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Hadalka Sanbaloolshe ayaana imaanayo xili xalay maqribkii ay hoyga Xassan sheekh ka daganyahay magaalada Muqdisho ku kulmeen asiga iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin kaasoo la aaminsanyahay ujeedka ka dambeeyo iney aheyd wada tashi ku aadan Ra’iisul wasaaraha dalka yeelan doono iyo doorashada dalka ka dhici doonto.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email