Sacuudiga oo ka hadlay mowqifkooda heshiiska UAE iyo Israel iyo hadey Israel heshiis la gali doonaan

Boqortooyada Sacuudi Carabi ayaa markii ugu horeeysay ka hadashay mowqifkeeda ku aadan heshiiskii Imaaraatka iyo Israel iyo hadii ay dhankooda Israel heshiis la gali doonaan.

Wasiirka Arimaha dibada Sacuudiga ee Amiir Feysal bin Farhan Ala-Sacuud ayaana sheegay ineysan Imaaraatka ku raacsaneen heshiiskii ay Israel la galeen dhankoodana heshiis ceynkaas ah Yahuuda la gali doonin.

Wasiirka ayaana sidoo kale sheegay sida kaliya ee Israel heshiis kula gali karaan ay tahay in Israel iyo Falastiin marka hore gaaraan heshiis nabadeed oo caalamka dhan laga aqoonsanyahay.

Hadalka Wasiirka ayaana kusoo aadayo xili Sacuudiga la ogyahay in xiriir qarsoodi ah la leeyihiin Israel gaar ahaan tan iyo sidii uu Maxamed bin Salman u noqday dhaxal sugaha cusub ee Sacuudiga.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email