Ra’iisul Wasaaraha Pakistaan Imarn khan oo sheegay ineysan aqoonsan doonin Israel

Ra’iisul Wasaaraha Pakistaan Imran Khan ayaa sheegay in Dalkiisa Pakistaan uusan marnaba aqoonsan doonin Israel, asigoona shuruud adag ku xiray aqoonsigaas.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay qaabka kaliya ee ay Israel dal ugu aqoonsan karaan ay tahay in halkaas ka dhalato Dowlad Falastiini ah taasoo ay raali kawada yihiin shacabka Falastiin.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha Pakistaan ayaana imaanayo xili todobaadkii hore ay Imaaraatka heshiis la gashay Israel, ayadoona heshiiskaas uu garwadeen ka ahaa Mareykanka.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email