Labo nin oo kufsaday carruur oo lagu toogtay magaalada Baydhabo

Ciidamada amaanka ee magaalada Beydhabo ayaa toogasho ku dilay labo nin oo ku eedeysnaa iney wiilal yaryar kufsadeen.

Ciidamada ayaa toogtay labo nin oo lagu soo eedeeyay iney kufsi u geysteen wiilal yaryar ayagoona markii lasoo qabtay kadib dambigooda qirtay, xili qoysaskii wiilashooda la kufsaday ay cadaalad dalbadeen ayagoona doonayay in nimankaan falkaan xun ku kacay la toogto.

Lama yaqaano hadii toogashadaasi ay maxkamada soo go’aamisay iyo hadii kale sidoo kalana masuuliyiinta Koonfur Galbeed wax war ah kama aysan soo saarin, balse ciidanka ayaa toogasho ku dilay labadii nin, ayadoona ay tani noqoneyso talaabo ay uga hortagayaan falalka ceynkaan ah oo deegaankaasi kusoo badanayay mudooyonkii u dambeeyay.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email